AMISOM oo ka hadashay Dadkii shacabka ahaa ee Ciidankeeda ku laayeen Golweyn

Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa lagu eedeeyay in daraad dad shacab ah ku laayeen deegaanka Goolweyn ee kuyaala Duleedka Shalambood kadib markii ciidamada weerar kedis ah kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in baaritaano ku sameenayaan warka sheegaya in ciidankooda dad shacab ah ku laayeen meel ku dhaw deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal xoogan  kula galeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaaday kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM.

Warkan kasoo baxay AMISOM ayey ku sheegeen in ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxda baaristooda, waxa ayna ka gaabsadeen qirashada in ciidankooda qalad sameeyeen ayna dad shacab ah dileen.

Magaalada Muqdisho ayaa la keenay meydadka 7-qof shacab ah oo si bareer ah u dileen ciidamada AMISOM, dadkan ay dileen ayaa isugu jira dad beeraley iyo sidoo kale dad kale oo gaari wadada uga halaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -