Madaxweyne Erdogan oo Telfoon kula hadlay Madaxweyne Geelle iyo Madax kale

Madaxweynah Turkiga, Rajab Dayib Erdogan waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxweynayasha dalalka Jabuuti, Nigeria, Senegal iyo Georgia.

Hoggaamiyayaashaasi waxay ka wada hadleen Arrimaha Gobalka iyo xoojinta xiriirka Turkiga ee ay la leeyihiin dalalkaasi.

Madaxweyne Erdogan waxa uu Wicitankiisa Koowaad khadka kula xiriiray dhigiisa dalka Georgia, Salome Zourabichvili, iyadoo uu Erdogan sheegay inay labada dal ka wada shaqeyn doonaan Iskaashiga Wadajirka ee Mashaariicda Tamarta iyo Gaadiidka iyo Fursadaha kale ee cusub ee Mandiqada,sida uu sheegay Madaxa Xafiiska Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga.

Madaxweyne Erdogan waxa kale oo uu la hadlay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Nigeria, Muxamadu Buhaari iyo Madaxweynaha Senegal, Macky Sall.

Qoraal ka soo baxay Madxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Erdogan uu dhigiisa dalalka Jabuuti, Georgia, Senegal iyo Nigeria uga mahad celiyey Is-garab taagooda Turkiga ee La-dagaalanka Kaymaha ku gubanaya Goballadda ku taalla Koonfurta.

- Advertisement -