Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay iney ka hortagtay qatar ka soo socotay Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamka ay ka hortagtay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed sida hadalka loo dhigay.

Qoraal kooban oo ay soo saartay dowladu ayaa intaas ku daray in baabuurtaas lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka ee gobolada Jubada dhexe yo Sh/hoose kuwaasoo dhammaan la baabi’iyey sida dowladu sheegtay

“Tallaabadan ayaa ka qeyb ka ah dadaalada Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada caalamka ay ku beegsanayaan argagixisada Al-Shabaab, si guud ahaan dalka looga ciribtiro” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay dowlada.

Faahfaahin kama bixin dowlada Somalia halka baabuurtaas qaraxyada siday loo waday iyo haddii uu jiro khasaare nafeed oo loo geystay Al-shabaabkii watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Ammar kasoo saartay Habraaca kala wareejinta Gaadiidka

Cabdi Cade

Qoorqoor oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

K/Galbeed oo shaacisay doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---