Ciidamo hubeysan oo caawa xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa caawa xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo hubeysan ayaa la soo sheegayaa in la dhigay wadooyinka qaar sida wadnaha, Soddonka iyo Warshadaha, sidoo kale, meelaha xiran waxaa ka mid ah isgoyska Benaadir iyo wadada Digfeer.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamadu ay gaadiidka dadweynaha ka xanibeen jidadkaas, waxaama la ogol yahay oo kaliya dadka iney lugeeyaan.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ah jidka ugu mashquulka badan Muqdisho ayaan ka mid aheyn jidadka la xiray, waxaana si caadi ah u socda gaadiidka isticmaala wadadaas.

Wadada isku xirta Isgoyska Zoope iyo Buulo xuubey ayaa sidoo kale ka mid ah jidadka la xiray inkastoo wararku sheegayaa in jidkaas uu howlo nadaafadeed ka wado maamulka gobolka Banaadir.

Lama oga in xirnaanshaha wadooyinka qaar ay sabab u tahay howlgalo lagu sugayo amaanka iyo iney la xiriirto xiisadaha siyaasadeed ee 48kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhex jiray madaxda sare ee dowlada.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili la filayo inuu beri ka ambabaxo magaalada Muqdisho wafdi uu horkacayo RW Rooble oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo safarkan uu xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray madaxda DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -