(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo guddiga doorashada heer federaal?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Galmudug iyo xubno ka socday Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Qoorqoor iyo gudiyadan ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlaha doorashooyinka oo la filayo Galmudug ay todobaadkan gudihiisa bilowdo.

Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa Qoorqoor ka dalbaday inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta aqalka sare ku metelaya Galmudug si loo bilaabo doorashada, iyagoo xusay in waqtigu socdo.

Qoorqoor oo maalmahan laga sugayay inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta ayaa waxaa la sheegay iney culeyso badan ka heystaan soo xulida xubnaha aqalka sare, iyadoo culeysyadaas intooda badan ay ka heystaan Villa Somalia iyo mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -