Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

TPLF oo oo lagu eedeeyey iney dad shacab ah ku leysay gobolka Cafarta (Sawirro)

Weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu dilay tiro dad ah, halkaasoo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Inkastoo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay haddana Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka ,

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada oo deris la ah gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha Mashaariic laga hirgelinayo Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Lix Bilood kadib Is Casilaadii Ra’isul Wasaare Kheyre maxaa is bedelay ?

Cabdi Cade

Hay’adda Duulista Rayidka DF oo ka jawaabtay go’aan ka soo baxay Shirkadaha dayuuradaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---