Ciidamada Rwanda iyo kuwa Muzambik oo Al Shabaab ka saaray magaalo muhiim ah

Ciidamada milatariga dowlada Muzambik oo garab ka helayay ciidamado ka socday dalka Rwanda ayaa dagaal adag la galay dagaalyahano katirsan koox la magac baxday Al Shabaab oo ka dagaalanta Waqooyiga Muzambik gaar ahaan gobolka Cabo-Delgado .

Ciidamada huwanta ah ayaana dagaal kadib ku guuleestay in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Mocimboa-da-Praia oo horey ugu jirtay gacanta kooxda Al Shabaab ee dooneysa in ay maamusho Waqooyiga Muzambik.

Kooxda Al Shabaab la baxday ee ka dagaalanka Dalka Muzambik ayaa dooneysa in ay la wareegto nidaam islaami ahna kusoo rogto Waqooyiga dalka Muzambik gaar ahaan gobolka laga soo saaro gaaska dabiiciga ah ee Cabo-Delgado.

Dowlada Rwanda ayaa ciidamo gaaraya kun askari oo milatari ah u dirtay dalka Muzambik si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ciidamada dalkaasi kula jiraan kooxda xagjirka ah ee la magac baxday Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -