Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax miino nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari uu la socday sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan booliiska ka howlaga saldhiga degmada Dayniile.

Qaraxan ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Haanta dheer oo katirsan degmada Dayniile, waxaana qaraxa la doonayay in lagu dilo sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska balse la sheegay in uu ka bad baaday.

Goobjooge ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in qaraxa uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana dadka waxyeelada soo gaaray u gurmaday gaadiidka gurmadka deg dega.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro wax faah faahin ay saraakiisha ka bixiyeen qaraxan miino ee goordhaw ka dhacay degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo si rasmi ah isku casilay

Cabdi Cade

Benjamin Netanyahu oo xaalku ku xun yahay iyo cadaadis xooggan oo la saaray

Cabdi Cade

Saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Haaway

Cabdi Cade
Taboola Ads ---