Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Gantaalada Difaaca ee Thaad iyo Baatriyoot u dirtay Bariga Dhaxe

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalal kuyaalla Bariga Dhaxe ayaa waxaa lasoo darsay cabsi la xariirta in lasoo weeraro, waxa ayna dowladda Mareykanka bilowday in ciidankooda jooga Bariga Dhaxe u dirto hannaanka difaaca gantaalada casriga ah.

Waaxda Gaashaandhigga dowladda Maraykanka ee Pentagon ayaa shaaca ka qaaday in Bariga Dhaxe loo diray  hannaanka casriga ah ee difaaca gantaallada ee loo yaqaan Thaad iyo sidoo kale Baatriyoot.

Hubkan casriga ah ee hannaanka difaaca gantaalada ee loo diray Bariga Dhaxe ayaa loogu tala galay in ay soo ridaan iyaga oo hawada ku jira gantaalada ridada hoose iyo kuwa dhaxe ku socda.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sidoo kale shaaciyay in Bariga Dhaxe loo diri doono ciidamo dheeraad ah, mana shaacin xoghayaha tirada ciidamada loo dirayo Bariga Dhaxe.

Dowladda Mareykanka ayaana sheegtay in hannaanka gantaalada casriga ah ee loo diray Bariga Dhaxe iyo ciidamada dheeraadka ah timid, kaddib markii dhaq dhaaqyada Iran iyo kooxaha taageersan ay kordheen.

Ciidamada Mareykanka ee jooga dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa la kulmay weeraro dheeraad ah ,tan iyo markii labo isbuuc kahor uu bilowday dagaalka dhiigga badan ku daatay ee u dhaxeeya kooxda Xamaas iyo Ciidamada Isreal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Geelle ku tilmaamay in uu yahay cadawga Soomaaliya !

Cabdi Cade

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo Saakay Dib u qarxay

Cabdi Cade

Ahlu sunna oo ka carootay hadal uu jeediyey Wasiirka Difaaca dowlada Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---