Al-shabaab oo degaano cusub ka qabsatay gobolka Bari iyo xiisado dagaal oo ka taagan

Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa lagu arkay tuulooyin hor leh oo hoos taga Buuraleyda Galgala ee gobolka bari, halkaasoo la sheegay in aysan horey u joogin.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dhibaato kala kulmaan ama halkaasi uu dagaal ku dhexmaro ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya tan iyo xalay ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan laga dareemayay Gobolka Bari, kaasoo ay sameynayaan ciidamada Puntland.

Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho amnigooda ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ay Al-Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalo ka sameeyeen degaanada xeebta dhaca, una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ayay yiraahdeen ay heleen xog ku aadan weeraro soo fool leh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -