Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Gudoomiyay Shir arimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
 
Kulanka waxaa diirada lagu saaray warbixino laga dhagaystay Wasaaradaha kala duwan iyo xaaladahii u danbeeyay.
 
Waxaa falanqayn dheer uu golahu ka yeeshay xaalada abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa taas oo lagaga baaqasan karo masiibooyinka soo noqnoqday.
 
Dhinaca kale waxaa golahu uu ka dooday xal u helista bacaha taas oo saamayn weyn ku leh nolosha bulshada gaar ahaan xeebaha iyo xoolaha nool oo ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan isla markana qeyb weyn ka qaadanaysa nabaad guurka deegaanka.
 
Arimaha amniga ayaa Wasaarada amniga laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada amniga, waxa ayna wasaarada soo bandhigtay qorshayaal amniga Jubbaland wax looga qabanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish +Sawir

Cabdi Cade

Qaybta 1aad :-Maxaa kala qabsaday Nebi IBAARHIM CS iyo Qoomkii awooda badnaa ee loo diray?

admin

Dhagey iyo Dhagdheer oo mar kale kamid noqday Aqalka Sare kadib markii loo tanaasulay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---