Milateri adeegsaday awood xaf dhaaf ah oo laayey ku dhowaad 120 qof

Ciidamada ammaanka Nigeria ayaa lagu eedeeyey inay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah ayna dileen ugu yaraan 115 qof kaddib howlgal ka dhan ah kooxaha u ololeeya gooni u goosadka gobolka koonfur-bari ee dalkaas sida ay sheegtay Hay’adda Amnesty International.

Dagaalada ayaa sannadkan ka dhacay gobollada koonfur-bari ee Nigeria, kuwaasoo sidoo kale galaaftay nolosha ugu yaraan 127 qof oo ahaa xubno ka tirsan laamaha ammaanka, sida ay booliisku sheegeen, waxaana sida ay warbaahintu sheegtay in la weeraray ilaa 20 saldhig boolis iyo xafiisyada guddiga doorashada.

Garabka xag-jirka ah ee kooxda la mamnuucay ee Indigenous People of Biafra (IPOB) oo ah dhaq-dhaaqaaq raadinaya madax-bannaanida qoomiyadda Igbo ayaa lagu eedeeyay rabshadahan, laakiin IPOB waa beenisay eedeymahaas.

Amnesty ayaa sheegtay in jawaabta ay bixiyeen ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan militariga, booliska iyo hay’adda sirdoonka ee DSS ay dileen tobanaan qof oo ay ku jireen dad rayid ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa sheegtay inay “diiwaangelisay ugu yaraan 115 qof oo ay dileen ciidamada ammaanku intii u dhexeysay bilihii Maarso iyo June 2021.” waxaana booliska Nigeria ka jawaabi kari waayay eedeymaha loo soo jeediyay.

“Ma arkin warbixintan, sidaa daraadeed kama jawaabi karo” ayuu afhayeenka booliiska Nigeria Frank Mba u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -