Qarsin Qallooca Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Qol isku xirka Senetarada

Sarrifka doollarka oo sabbeeya Saacad saacad waa sida kaliya ay sarrifleyaasha ku heli karaan lacag badan, balse ogaw maalintaas Qolo ayaa laga daadsanayaa oo la kulmaysa Khasaare jilba jab ah, halka qolada kale helayso Macaash Madax barar ah.

Shalay Xubnaha Baarlamaanka Dowlad goboleedyada waxay maskaxda ku hayeen in la soo gaaray waqtigii Sabbeynta Siyaasadda Maamul goboleedyada waxayna sugayeen siyaasad sabbeysa & sicir barar doollar dhaco, waana waqtigii la heli lahaa macaash madax barar ah si loo shubto Akoonnada Siyaasiyiinta doonaya Senatornimada.

Mid walba oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaannada dowlad goboleedyada ayaa furtay dhowr Akoon Bank, sida IBS, Salaama Bank, Dahabshiil Bank iwm, Xisaabta ayaa ahayd in shantii musharraxba mid kasta la siiyo Lambar Akoon gaar ah si uu ugu shubo lacagta is-afgarashada ku waajibisay.

Balse Senatarrada ayaa la yimid qorshe lama filaan ah oo la yiraah “Qol xirasho” taasoo qorshihii xildhibaannada ka dhigtay qarsin qalloocday.

W/Q Saciid Cabdi Faarax Qalable

- Advertisement -