Dowlada Kenya oo go’aan adag ka gaartay ka ganacsiga Hilibka Dameeraha

Dowlada Kenya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo gowraca iyo ka ganacsiga hilibka dameeraha , xili dalkaasi qeybo kamid ah ay kusii badanayaan dadka isticmaala hilibka Dameeraha .

Wasiirka beeraha dalka Kenya Peter Munya ayaa sheegay in la mamnuucay gowraca iyo ka ganacsiga hilibka dameeraha , waxa uuna amar buuxa ku bixiyay in la xiro kawaanada lagu gowraco laguna iibiyo hilibka dameeraha.

Waxa uu sheegay Wasiirka beeraha dalka Kenya cidii ka biyo diida amarkan kasoo baxay dowlada in talaabo laga qaadi doono lana xiri doono xarumahooda ganacsi, waxa uuna ku hanjabay in maxkamad lasoo taagi doono cidii amarkan ku xad gudubta.

Kenya ayaa waxaa kusii badanayay gowraca dameeraha , waxaana arintan ka dhalatay walaac xoogan kadib markii ay aad u yaraadeen dameeraha dalkaasi kunool , waxaa sidoo kale batay in dameeraha la xado kadibna la gowraco suuq madowna lagu iibiyo hilibkiisa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -