Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia oo muuqaal cusub lagu arkay (Sawirro)

Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin oo fadhigiisu yahay Buuraha Gobolka Bari ee Puntalnd ayaa mar kale kasoo muuqday muuqaal ay kooxda Daacish baahisay, isagoo ballan cusub ama beyco la gelaya hoggaamiyaha ugu sareeya Daacish Abubakar Albaqdaadi ee ku dhuumaaleysana dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Sheekh C/qaadir Muumim oo muddooyinkii danbe la sheegay inuusan caamaadkiisa fiicneyn ayaa muuqaalka laga duubay ka dhex muuqday, isagoo ay wehliyaan dagaalyahanadda kooxdiisa oo shaacinaya inay cusbooneysiiyeen Beycadii ama Balantii ay la galeen hoggaamiyaha Daacish.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe xoojisay olole ay ku raadineyso dhaqaale ay isku xoojiso si ay iskugu balaariso degaano cusub oo ka tirsan Soomaaliya.

Sidoo kale, kooxdan ayaa waxay cadaadis xoogan kala kulmayeen mudooyinkan kooxda Al-shabaab oo loolan uu kala dhexeeyo iyo ciidamada Maraykanka oo duqeymo la beegsanayey goobaha ay joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo talaabo ka qaadeyso dhibaato ka soo korortay baraha bulshada

Caydiid Ali

Netanyahu oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka kadib xaalad culus oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Madaxweyne Saciid Deni oo gudoomiyey shirkii ugu horeeyey Golaha wasiirada Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---