Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho & Jowhar (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo Meel Wanaagsan mareyso.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu Guddoomiye Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socoto dib u dhiska waddadaas oo ah mid ay baahi weyn u qabeen Bulshada labada gobol Maadaama isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhaxe Axmed Meyre Makaraan iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa degaanka Caliyaale ku soo dhaweeyay kolonyada Duqa Magaalada Muqdisho, waxayna si wadajir ah warbixin uga dhageysteen howl-wadeenada ku howlan dib-u-dhiska lagu sameynayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kormeerkaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray xarun Caafimaad oo laga hirgaliyay Deegaanka Jamaal, kaasoo loogu talagalay in lagu daweeyo Hooyo iyo dhalaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku wajahan safar dibadeed & Xog ku aadan ujeedka

Caydiid Ali

Isbuucii rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed baxyo kale oo maanta ruxay Magaalooyin ka tirsan dalka Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---