(Sawirro) Dibed baxyo kale oo maanta ruxay Magaalooyin ka tirsan dalka Iran

Ciidamada amaanka Iran iyo arday wax ka barata jaamacad caan ah oo ku taal magaalada Tehran ayaa isku dhacay maanta, warbaahinta bulshada iyo dowlada ayaa ku warantay, waana calaamadii ugu danbeysey ee dibad baxyada dalka oo dhan ka dhacay kuwaasoo ka dhashtay dhimashada gabar dhalinyaro ah oo xabsiga ku jirtay.

Mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda oo ka billowday aaska Mahsa Amini oo 22-jir ah 17-kii Sebtembar  ka dhacay magaalada Saqez ee Kurdiyiinta, ayaa noqday dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo maamulka Iran muddo sannado ah, iyadoo dad badan ay ku baaqayeen in lasoo afjaro. in ka badan afartan sano oo xukunkii culimada Islaamka.

Mooto booliis ah ayaa ku gubatay dibadbax looga soo horjeedo dhimashada Mahsa Amini, oo ah haweeney dhimatay ka dib markii ay xireen Booliska anshaxa jamhuuriyadda Islaamiga ah, magaalada Tehran, iyadoo lagu eedeeyey iney si aan munaasib aheyn u xiratay xijaabka.

Baraha Twitter-ka ayaa lagu soo bandhigay dhowr muuqaal oo muujinaya Jaamacadda Sharif, oo dhaqan ahaan ah goob mucaaradnimo, oo ay ku hareereysan yihiin tobanaan boolis ah oo ka hortagga rabshadaha.

Mid ka mid ah muuqaalada la soo bandhigay ayaa muujinayay ciidamada amaanka oo rasaas iyo gaaska dadka ka ilmeysiisa ridaya si ay ardayda uga saaraan xarunta jaamacada.

Muuqaal kale ayaa muujinayay ciidamada ammaanka oo baacsanaya daraasiin arday ah oo ku xayiran barxadda dhulka hoostiisa ah ee jaamacadda. Akoonka ayaa sheegay in daraasiin arday ah la xiray.

Ardayda ayaa mudaaharaadyo ka dhigayay jaamacado badan Axadii, mudaharaadyo ayaa lagu qabtay magaalooyin badan sida Tehran, Yazd, Kermanshah, Sanandaj, Shiraz iyo Mashhad, iyadoo ka qaybgalayaashu ay ku dhawaaqayeen Madaxbanaani, xorriyad iyo waxyaabo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -