Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar Qoyskeeda Dileen kadib markii ay xiratay Surwaal Jeenis ah

Neha Paswan oo 17-sano jir aheyd una dhalatay dalka Hindiya ayaa waxaa dilay xubno katirsan qoyskeeda, kadib markii ay xiratay Surwaal jeenis ah, dhacdadan ayaana dad badan argagax iyo layaab ku noqotay.

Gabadhan oo kunooleed gobolka Uttar Pradesh , ayaa waxaa dilay xubno katirsan qoyskeeda ay ku jiraan ayeeyadeed, adeeradeed iyo xubno kale oo qoyskeeda katirsan kadib markii gabadha xiratay surwaal jeenis oo ah oo ka caroodeen qoyskeeda.

Hooyada dhashay gabadha la dilay oo lagu magacaabo Shakuntala Devi Paswan, ayaa sheegtay in gabadheeda si xun loo jirdilay una geeriyootay jirdilkaasi ay u geesteen xubno kamid ah qoyska aabaheed.

“Waxay soomanayd maalin dhan iyadoo gudaneyso waajibaadkeeda diimeed. Galabkii waxay xirtay sarwaal jiinis ah waxayna sii wadatay cibaadadeeda balse xaaladda waxay is badashay markii ayeeyadeed iyo awoowgeed ay ka soo horjeesteen jiiniska ay xiratay, Neha ayaa ku jawaabtay in jiiniska loo sameeyay in la xirto,doodda ayaa cirka isku shareertay, taas oo ay ka dhalatay rabshada ay Neeha nafteeda ku weysay,” ayay tiri Hooyada Neha.

Shakuntala Devi Paswan, ayaa booliiska u gudbisay dacwada kiiska dilka gabadheeda ay ka dambeeyeen ayeeyadeed, adeeradeed, eedayaalkeeda iyo xubno kale kuwaa oo gacan ka geestay dilka Neha.

Booliiska ayaana sheegay in hada xireen xubno katirsan qoyska gabadha ee dilka geestay ay ku jirto ayeeyadeed, waxa ayna booliiska xuseen in ay socdaan baaritaanada ayna soo xirayaan dadka kale ee falkan lagu tuhmayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo la kulmay Xoghayaha Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclearka (Sawirro)

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Doorasho qof iyo cod ah halista ugu weyn ee ay leedahay waxay tahay..”

Caydiid Ali

Madaxweyne Cirro oo Wasaarado u beddelay labo Hay’adood (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---