Dowlad Ogolaatay in dib u celiso agabyo qaddiimi ah oo laga xaday dalka Ciraaq

Dowlada Mareykanka ayaa ogolaatay in uu dib usoo celiyo 17,000 oo ah agabyo qaddiimi ah oo laga xaday goobaha taariikhiga ah ee kuyaala dalka Ciraaq xiligii Mareykanka duulaanka ku qaaday dalkaasi sanadkii 2003-dii.

Wasiirka dhaqanka Ciraaq ayaa Warbaahinta u sheegay in Mareykanka dib usoo celinayay qaar kamid ah agabyada qadiimiga ah ee laga xaday Ciraaq, waxa uuna tilmaamay in agabyadaasi ku jiraan kuwa jira ku dhawaad 4000 sano.

Agbyadan qadiimiga ah oo taariikh u lahaa shacabka Ciraaq ayaa markii la xaday kadib la geeyay suuqyo kuyaala dalka Mareykanka oo lagu iibiyo farshaxanka  , waxaana alaabtan sifo sharci daro ah looga bixiyay gudaha Ciraaq loona geeyay Mareykanka.

Warbaahinta ayaa ku warantay in agabyadan la xaday  lagu qoray magaca Gilgamesh oo ah- sheeko ku saabsan boqorkii Mesopotamia, waxaana dowlada Ciraaq hada rajo weyn ka qabtaa in agabyadaasi dib loogu soo celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -