Dowladaha Britain iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Al-Shabaab

Dalalka Britain iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo looga hortaggayo halista kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Kadib kulan ay magaalada London wasiirada gaashaandhigga ee labada dal, Britain waxay shaacisay in Kenya ay ka caawineyso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka militeriga.

Waxaa heshiiska ka mid ah sidii la isaga kaashan lahaa dadaallada looga hortaggayo argagixisada ee ka socda gobolka Xeebta halkaasoo u udub dhexaad u ah waaxda dalxiiska ee Kenya.

Saraakiil ciidamo Britain ah ayaa sanad kasta waxay tababar siiyaan ciidamada Kenya, sidoo kale Britain ayaa sidoo kale taageero kala duwan siisa Milateriga Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -