Allbanaadir.com
NEWS

Magaalo ku taalla Somalia oo laga mamnuucay kaalimaha Shidaalka & Sababta ka dambeysa

Magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa laga mamnuucay in laga furo kaalimaha shidaalka ka iibiya gaadiidka dadweynaha.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii afar qof ay ku dhinteen afar kalena ku dhaawacmeen dab xooggan oo habeen hore qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla Magaaladaas.

Duqa Magaalada Garoowe, Xassan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa ku dhawaaqay go’aanka magaaladaas looga mamnuucay kaalimaha shidaalka.

Xassan Goodir ayaa sheegay in dabka qabsada kaalimaha shidaalka magaalada Garoowe oo marar badan soo laalaabtay uuna dhaliyey khasaare nafeed iyo mid hantiyeed sidaas awgeedna uu maamulku soo saaray go’aankan.

Dadkii ku dhaawacmay dabkii habeen hore oo gaaraya ilaa afar qof ayuu sheegay loo qaaday magaalda Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad oo aad u liidata.

Waxaa uu ballan qaaday in sanadkaan uu maamulkiisu keeni doono Magaalada Garoowe dab-demisyo waaweyn oo gacan ka geysta deminta dabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiid Dagaal oo ka baxay Muqdisho iyo Abaabul dagaal oo ka bilowday Shabeelaha Dhaxe

Cabdi Cade

Ra’issul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah

Cabdi Cade