Xafiiska RW Sudan oo isku qalday sawirada Madaxweyne Farmaajo & Xassan Shiikh (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdullaahi Xamduuk ayaa khadka telefoonka kula xiriiray madaxda afar dowladood oo ka mid ah dowladaha urur goboleedka IGAD .

Ra’iisal Wasaaraha Suudaan ayaa la hadlay madaxda kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweyanaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa lagu shegay in laga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaare Cabdullaahi Xamduuk uu la sii xiriiri doono Madaxda kale ee Geeska Afrika si looga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka Gobolka.

Dhinaca kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo ka hadlayey wadahadalkan ayaa isku qalday Mohamed Abdullahi Farmaajo & Hassan Sheikh Mohamud kadib markii sawirka Xasan Sheekh lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Xafiiska iyadoo lagu dul qoray magaca Farmaajo.

Saacado ka dib ayaa sawirkii laga saaray bogga iyadoo aan la soo bedelin sawirkii Xasan Sheekh, ilaa haddana wax cudur daar ah dowladda Sudan kama bixin arrintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -