Shimbir halis galisay Nolosha Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Taliyaal ciidan

Diyaarad uu la socday Wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar iyo Taliyayaal kale ayaa Shil ku gashay Hawada Sare, kadib, markii ay Shimbir ku dhacday Diyaaradaasi.
 
Duuliyihii Diyaaradda waxa uu dhacdadaasi kadib sameeyey Degitaan Degdeg ah.
 
Diyaaradda oo ay la socdeen Wasiirka Difaaca, Taliyaha Guud ee Ciiddamada  Jeneral Yaasir Guler iyo Taliyaha Ciiddanka Dhulka, Jeneral Umit Dindat ayaa la socday Diyaaradaasi oo xilligaasi ku soo laabanayo caasimada dalkaasi ee Ankara.
 
Wararka waxay sheegayaan inay Wafdiga la socday Diyaaradaasi ka soo laabtaan Kormeer ay ugu tuur galayeen Ciiddanka ku sugan meel ku dhow Xuduudka dalka Syria.
 
Wakaalladda Wararka Anadilu ayaa sheegtay in Diyaaradda oo ay lahaayeen Ciiddanka Cirka ee Turkiga ay ku dhacday Shimbir, wax yar kadib, markii ay Diyaaradda ka kacday Garoonka, waxayna taasi soo dedejisay inuu Duuliyihii ku dejiyo Diyaaradda Saldhog kale oo Ciiddanka Cirka oo u dhow magaalladda Adana.
 
Diyaaradda oo jug dilaac ah ka gaaray Muraayadda wejiga hore waxay samaysay Degitaan Degdeg ah, lamana soo sheegin dad ku dhaawacantay shilkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -