Xus loo sameeyey dadkii ku dhintay qaraxii dhacay Xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Ku-xigeenada gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Culimaa’udiin, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal degmo iyo ehelo ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kaga qeyb-galay xus iyo Duco loo sameeyay shuhadadii ku baxday Musiibadii 24 July 2019 ka dhacday Xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ahaa Guddoomiyihii gobolka Benaadir iyo duqii hore Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Agaasimeyaal, La-taliyeyaal iyo Guddoomiyeyaal degmo.

Munaasabadaan Xuska iyo Ducada ayaa laga jeediyay Khudbado isugu jiray wacdi diini ah, Isbaraarujin, Taariikh Xusuuseed iyo Duco, iyadoo ugu dambeyn uu halkaasi khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo sheegay in Xuskan uu noqon doono mid sanad weliba la xusi doono si loo maamuuso Shuhadadii ku Shahiiday Xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019, iyagoo bulshadooda u adeegaya.

Gabagabadii Munaasabada Xuska iyo Ducada kadib ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Ehelada Shuhadadii, asigoo mid mid u xaal wareystay maadaama Maamulka Gobolka Banaadir uu si gooni ah ugu war hayo ehelada Shuhadada.

Xuskan oo ah Sanadkii 2-aad ayaa lagu wadaa in 1-da Augusto lagu soo gabagabeeyo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -