Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali taageereysay Jabhada TPLF oo lagu xirxiray Magaalada Jigjiga

Dad lagu tuhmay inay taageeraan Kooxda TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa lagu xirxiray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida.

Booliska degaanka ayaa shaaciyey iney xabsiga dhigeen 28 qof oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Taliyaha Booliska degaanka Soomaalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta uu sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen dadkaas oo la tuhunsan yahay inay ku maalgalinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka degaanka xiligii taliskii TPLF uu Itoobiya maamulayey.

Itoobiya ayaa dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF ee ku sugan Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya oo dhowaan dib u qabsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia iyo Qaramada Midoobay oo War Saxaafadeed wadajir ah soo saaray (Akhriso

Cabdi Cade

Sii hayaha RW dalka oo ka gudoomiyey shir looga hadlay soo saarida Shidaalka Somalia

Caydiid Ali

Xaalad adag oo ka taagan degaanada dagaaladu ka jiraan ee Gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---