Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo booqday degaanadii lagala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa kormeer ku tagay goobihii laga saaray Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Qoor-qoor ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona maanta magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wisil asagoona halkaas warbixin kaga dhageystay.

Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga  Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa galinkii danbe ee maanta kormeerkiisa kusoo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isku day lagu damiinan rabay C/maalik Yuusuf oo fashilmay & Wasiir soo fara geliyey xarigiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Dhagax dhigay Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Matabaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo kahor yimid Rabitaanka Madaxweyne Deni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---