Beeraleyda qaadka Kenya oo dalab cusub u diray baarlamaanka si suuqyo cusub u helaan

Beeraleyda qaadka ee gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa dadaal badan ugu jira sidii jaadka looga saari lahaa waxyaabaha maanka dooriya, si ay suuqyo badan oo caalamka ugu helaan jaadka ay beertaan.

Qaar kamid beeraleyda waa weyn ee jaadka dalka Kenya ayaa ka dalbaday baarlamaanka dalka Kenya in qaadka ay ka saaraan liiska waxyaabaha loo aqoonsanyahay in ay yihiin maan-dooriyaha.

Beeraleyda jaadka Kenya xubno katirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay codsi u gudbiyeen  hay’adda NACADA ee Kenya u qaablisan ka hortaga daroogada, waxa ayna xuseen in hay’addu u sheegtay in codsigooda u gudbiyaan baarlamaanka dalka.

Mid kamid ah beeraleyda jaadka Kenya ayaa sheegay in marka ay damcaan in dalal shisheeye u beec geeyaan jaadka la weediinayo warqad cadeeneysa in jaadka uusan aheyn daroogo, waxa uuna xusay in codsigooda lasoo diido maadaama jaadka kenya u aqoonsan tahay maan-dooriye.

“Waxaa jirta waqrad lagu weydiinayo marka dalal shisheeye aan tagno, laakiin arrintan yaabka leh ah ayaa ah, dalalkaasi waxay ku doodaadayaan haddii ay dowladiinu qaadka u aqoonsan tahay daroogo, sidee u aqbalnaa innagu in qaadku yahay mid xalaal ah.”

Beeralayda ayaa doonaya in wax laga badalo sharciga xakameynta Daroogada ee la ansixiyay sannadkii 1994 tii, kaas oo qaadka ku daraya daroogada kadib markii laga helay labada maaddo ee kala ah, Cathine iyo Cathinone oo waxyeelo u leh miyir bani’aadamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -