Madaxweyne Markii Afraad loo dhaariyey inuu 7 sano Xukunka sii hayo (Sawirro)

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo si rasmi ah dib loogu doortay markisii afraad bishii May ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas inkasta oo ay jireen dalal badan oo reer Galbeed ah oo wax isdabamarin ku eedeeyay.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadiii 26-kii May ka dhacday dhulka ay maamusho dowladdu ayaa guddiga doorashadu ku sheegtay in Assad uu ku guuleystay 95% codadkii la dhiibtay.

Bashar al-Asad oo muddo todoba sanadood ah sii ahaan doona Madaxweynaha Suuriya ayaa rogga cas ee qasriga madaxtooyada waxaa ku soo dhaweeyay koox militari ah, isagoo la hadlay dadweyne aad u badan oo iskugu jiray saraakiil iyo marti share kale.

Laba sarkaal oo ciidan ah ayaa waday nuqullo ka mid ah Quraanka iyo dastuurka Suuriya oo uu Assad ku dhaartay.

Wuxuu ku sheegay khudbadiisa in sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Suuriya ay hada tahay xayiraadda ay saareen bangiyada Lubnaan hantida dalkiisa.

Assad ayaa sheegay in qiyaas ahaan Suuriya ay leedahay $ 40 bilyan ilaa 60 bilyan oo taal bangiyada Lubnaan, taas oo uu sheegay inay ku filan tahay fariisinta dhaqaalaha, isla markaana hoos u dhigi karta cadaadiska saaran qiimaha lacagta Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -