Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya in Safaaradeyda Isra’il u wareejineyso Qudus

Dowada Itoobiya ayaa ka hadashay Warar ay baahiyeen Warbaahinta Isra’il qaarkood oo sheegayay in Dowlada Itoobiya ka baaran dageyso in Safaaradeeda Isra’il u wareyjiso magaalada Barakeesan ee Qudus.

Sharci Yaqaan  ka howlagal Safaarada Itoobiya ku leedahay Isra’il ayaa Wargeys ku sheegay in dowlada Itoobiya ay ka baaran dageysay in safaaradeeda Talaviv u rarto magaalada Qudus, waxa uuna intaa ku daray in hada qorshahaasi la hakiyay kadib markii Isra’il si xun ula dhaqantay Wadaado Itoobiyaan ah.

‘’Safaarada Itoobiya ku leedahay Israil in loo raro magalaada Qudus waxa uu ahaa Qorshe laga baaran dagayay, hasa ahaatee hada qorshahaasi waa la hakiyay ‘’ Ayuu yiri Sharci yaqaanka ka howlgala Safaarada Itoobiya.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Safaarada Itoobiya ee Isra’il ayaa si kulul uga hor yimid hadalka garyaqaanka, waxa uuna beeniyay in marnaba laga fekeray in Safaarada Itoobiya loo wareejiyo magaalada Qudus.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in hadalka Garyaqaanka kasoo yeeray aan loo nisbeyn Karin dowlada Itoobiya kana turjumeyn aragtidooda , waxa uuna meesha ka saaray in qorshahaan marnaba aan laga hadlin .

Wadamada Xiriirka la leh Isra’il ayaa inta badan safaaradahooda waxa ay ku yaalaan magaalada Talaviv, waxa ayna Isra’il hada dooneysaa in safaaradaha kuyaala Talaviv loo raro magaalada Qudus ay aaminsan tahay in caasimadeeda tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa run sheegaya Xildhibaanada Jawaari Mooshinka ka wada iyo kuwa difaacaya ?

Cabdi Cade

Gudoomiye Yariisow oo lagu sameeyey labo qaliin & Warar sheegaya in..

Caydiid Ali

R/W Rooble oo ku fashilmay Qorshihii u tagay Garawe iyo Deni oo labo Shardi ku xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---