Gudoomiye Yariisow oo lagu sameeyey labo qaliin & Warar sheegaya in..

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Ing. C/raxmaan Yariisow oo ka mid ahaa masuuliyiintii galabta ku dhaawacmay qaraxii  xarunta Dowlada hoose ka dhacay ayaa xaaladiisa caafimaad waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.

Ilo Xog-ogaal ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha oo xaaladiisu culus tahay lagu sameeyay laba qaliin oo deg deg ah, xaaladiisana ay wali la tacaalayaan dhaqaatiirta ku sugan isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) oo lagu dabiibayo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa ku waramay inuu socdo dedaal xoog leh oo loogu raadinayo Diyaarad gaar ah si dalka dibadiisa loogu qaado looguna soo daweeyo, waxaana jira warar sheegaya iney hawada ku soo jirto dayuurad Ambalaas ah oo uu soo diray dal carbeed oo aan la magacaabin si ay dhaawaca gudoomiyaha iyo dad kale uga qaado magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley Seynab Xaabsey ayaa iyaduna laga deyrinayaa xaaladeeda ka dib dhaawac culus oo soo gaaray, waxaana la tacaalaya dhaqaatiirta isbitaalka Erdogan.

Isbitaalka Digfeer ayaa waxaa caawa buux dhaafiyay Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dawladda, wasiiro iyo Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -