Dowlada Mareykanka oo laga dalbaday in ay joojiso Taageerada ay siiso ciidanka Somalia

Rajada Soomaaliya oo ah Xasalooni iyo nabadgalyo waa mid sidoo kale ay raadinayaan inta badan dalalka Dunida, laakiin Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka taageerada ka hela Mareykanka waxa ayna ka caawisaa dhisidda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan ururada Argagixsada loogu yeero sida Al shabab.

Hadaba iyada oo taasi ay jirto hadal ka soobaxay sanadkii hore waaxda Arimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in la joojiyay taageeradii la siin jiray ciidamada Soomaaliya sababo la xiriira nidaam xumi ka dhex jirta maamulka iyo la socodka Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana Mareykanka uu ku baraarugay hubinta cida uu taageerada dhaqaale siinayo iney yihiin Ciidamada dowladda Iyo kooxaha argagixisada ee dalka ka dagaalama.

Senator Rand Paul oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka oo todobaadkan Wareysi siiyay warbaahinta dalkaasi ayaa yiri “Waxaa jira cadeymo muujinaya in askarta qaar ee ciidamada dowladda iney ka tirsan yihiin ururka Al Qacida, waxbo ma dhaamin burcadda isbaarada ka dhigata wadooyinka, 920 caruur ahna si qasab ah ayaa loo askareeyay si ay u dagaalamaan”

Senator Rand Paul ayaa sidoo kale codsaday in lajoojiyo taageerada Mareykanka uu siiyo Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo intaa ku daray ineysan wax fiican aheyn in ciidanka Soomaaliya la taageero.

Guddi-hoosaadka Federalka ee La-socodka Heshiisyadda iyo Maaraynta Gurmadka ee dalka Mareykanka ayaa iyagana xaqiijiyay in Lacagtii Mareykanka uu ugu talagalay Soomaaliya in la joojiyay markii sanadkii hore warkaas la helay, waxaana guddidigan uu intaa ku daray in 8 Million oo ay kamid tahay $ 4.3 Million oo loogu talagay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ineey gacanta ku hayaan.

“Sanadkan qasaaraheena wuxuu noqon donaa Trillion dollars, sidee ku dhici kartaa- ayuu isweydiiyay Senetor Paul, isagoo intaa ku daray in ciidamada Dowladda Soomaaliya Mushaar iyo Uniform in loo iibinayo.

Waaxda Arimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in xeriirka Soomaaliya iyo Mareykanka in muhiim uu u yahay hadafyo kala duwan sida xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyadoo dowladda Soomaaliya laga caawinayo arimaha biniaadanimada iyo ka hortagista kooxaha argagixsada si aysan gabaad ugu noqon Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in qorshahaas lagu guuleysto laakiin waxaa meesha ka marneyn tuhunka iyo kala shakiga labada dal.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim E-mail:

Abdiazizh99@gmail.com

Xigasho: http://wach.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -