Midowga Afrika oo si adag uga hadlay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay rabshadaha ka socda magaalooyin katirsan dalka Koonfur Afrika ee galaaftay nolosha ku dhawaad 100-qof sidoo kale lagu boobay hanti aad u badan.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa lagu cambaareeyay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ee dadka lagu dilayo sidoo kale goobaha ganacsi lagu boobayo.

””Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , wuxuu si adag u cambaareynayaa rabshadaha sababay dhimashada dadka rayidka ah iyo muuqaalada naxdinta leh ee dhaca hantida shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Afrika.

Moussa Faki Mahamat  ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo soo celiyo kala-dambayntii iyo xasiloonidii ka jirtay dalka Koonfur Afrika , waxa uu sidoo kale dadka ugu baaqay in ay ixtiraamaan ku dhaqanka sharciga.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaana sheegay hadii aan si deg deg ah wax looga qaban rabshadaha dadka lagu dilayo ganacsiyadana lagu boobayo in saameyn xun ku yeelan doonto dalka Koonfur Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -