Jeneraal Biixi oo tagay deegaan Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen (Sawirro)

Warbaahinta Afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay war ku aadan in dagaalyahanada Al Shabaab shalay galinkii hore la wareegeen tuulada Dheghaye oo hoostagta deegaanka Wisil ee gobolka Mudug halkaas ay horey u joogeen ciidanka dowlada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayay ayaa saakay kormeer ku tagay tuulada Dheghaye oo Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen .

Jeneraal Biixi iyo saraakiisha la socotay ayaa beeniyay in Al Shabaab la wareegeen tuulada Dheghaye, waxa ayna sheegeen in goobtan si buuxda ugu jirto gacanta ciidanka milatariga Soomaaliya ayna joogaan fariisimahooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kula dar daarmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan tuulada Dheghaye in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay socdaan abaabul kooxdan gobolka looga saarayo.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday deegaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkaasi waxii ka dambeeyay Al Shabaab kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Mudug deegaano iyo tuulooyin katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -