Isticmaalka Baraha bulshada gaar ahaan TikTok oo looga digay Gabdhaha Haramcad

Waxaa mudooyinkan sii kordhaya gabdhaha katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ee isticmaala baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok, kuwaa oo muuqaalo iska soo duuba iyaga o xiran dareeska ciidanka sidoo kale hub wata si dad badan u daawadaan.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen ayaa uga digtay gabdhaha ciidanka booliiska katirsan gaar ahaan kuwa Haramcad ee tababarka dhawaan loogu qaaday dalka Turkiga isticmaalka baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok.

“Qoftii maanta u niyeysato inay TikTok kasoo muuqato ama baraha bulshada ay ku booteyso ajarkeeda waa halkaa, weyna naga hari doontaa haddan idiin sheegayaa, wixii hadda doonaya xayeysiin TikTok ah haddaba diyaaradda ha iiga harto” ayey tiri Zakiya.

Janaraal Zakiya ayaa kula dar daarantay gabdhaha tababarka loogu qaaday dalka Turkiga in ay noqdaan kuwa daacad u ah tababarka ayna ogaadaan in hiil ka sugayaan gabdho badan oo lagula kaco tacadiyo ay kamid yihiin kufsi, dil ,afduub iyo guur qasab ah.

“Ogaada gabdhaha soomaaliyeed dhibaatooyin badan bey la kulmaan ama kufsi ha noqoto , dil ha noqoto, afduub ha noqoto , guur khasab ah ha noqdo, maanta haddey helaan ciidan gaar ah oo gabdho kaliya ah ka tirsan oo iyagu xuquuqdooda u doodayo gabar walbo soo kuma seexan karto nabad iyo barwaaqo”ayey tiri Janaraal Zakiya.

Hadalkan kasoo yeeray taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan gabdhaha ciidanka katirsan ee inta badan ku mashquulsan isticmaalka baraha bulshada halka ay ku mashquuli lahaayeen shaqadanka ay Qaranka u hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -