Allbanaadir.com
NEWS

Gabdho kamid noqonaya Ciidamada Haramcad oo dalka dibadiisa loo qaaday (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay gabdho Soomaaliyeed oo kamid noqonaya ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaa oo tababar kusoo qaadanaya dalka Turkiga.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed S /Gaas. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar),  iyo saraakiil kale ayaa galabta Garoonka Aadan Cadde ka sagootiyey 49-gabhdood oo ka tirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad kuwaa oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay Taliyaha Booliiska Soomaaliya in gabdhahan Turkiga loo qaaday halkaasi kusoo qaadanayaan tababar heerkiisu sareeyo taas oo kamid ah sida uu tilmaama dadaalka lagu xaajinayo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa tababar gaar ah ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo ciidamada Gor gor ku siisaa gudaha Soomaaliya iyo xeryo ciidan oo kuyaala dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Laftagareen oo daahfuray xarun loo dhisay Wasaarad ka tirsan K/Galbeed

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo qaatay Masuuliyadda Dil loo geestay Nadiiro Faysal Shire

Cabdi Cade

Ciidamada Huwanta oo Kaabiga ku haya Deegaan Dalxiiseed Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---