(Sawirro) Laftagareen oo daahfuray xarun loo dhisay Wasaarad ka tirsan K/Galbeed

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, la taliyaal iyo Marti sharaf kale.

Laftagareen ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka kooban yahay Dhismaha cusub ee Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka waramay muhimada ay Wasaaradani u leedahay maamulkiisa iyo baahida loo qabo.

Laftagareen ayaa xusay in maamulkiisa uu degaanada koonfur galbeed ka hirgelinayo mashaariic kale oo lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada bulshadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -