Farmaajo oo war kasoo saaray Guusha Abiy Axmed ka gaaray Doorashada Itoobiya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay guusha weyn ee doorashada dalka Itoobiya ka gaaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xisbigiisa ku guuleestay inta badan doorashada kuraasta Baarlamaanka ee dhawaan la qabtay.

Qoraal kooban uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu hambalyeeyay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed guusha uu doorashada ka gaaray, waxa uuna xusay Farmaajo in Abiy Axmed mar kale sharciyad xoogan ka helay shacabka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dowladda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyey xiriirka labadeena dal si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu sharciyad xooggan ka helay shacabka Ethiopia,  waxaan sii wadi doonaa wada shaqeynta iyo xiriirka dhaw ee nagala dhaxeeya dowlada Itoobiya.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xisbiga haya talada Itoobiya ee Prosperity ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kursaasta baarlamaanka dalkaasi, waxaana natiijada doorashada ee la shaaciyay durba qaadacay qaar kamid ah siyaasiyiin ta mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -