Galmudug oo War ka soo saartay dad isku qoys ahaa oo lagu laayey degaan ka tirsan Mudug

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa ka hadlay qoys  Xooolo dhaqato ahaa oo lagu soo weeraray Gurigooda oo ku yaalla degaanka Saax-Qurun ee Gobolka Mudug, isla markaana laga dilay Aabe iyo laba caruur ah uu dhalay halka uu dhaawac culus soo gaaray hooyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in falkaasi ay la xiriirinayaan aanooyin qabiil oo ka jiray degaano ku yaal Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu xusay in ciidamada amaanka Galmudug ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaas, ayna sharciga marin doonaan marka la soo qabto, isagoo tacsi u diray ehelada dadka la laayey oo ka soo jeeda Puntland.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiilka ah ayaa labadii sano ee la soo dhaafay kusoo batay degaannada Galmudug.

 

- Advertisement -