Dowlada Itoobiya oo ku gacan seyrtay qorshe ay soo jeedisay Qaramada Midoobay

Golaha Xuquuqda adanaha ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta Jimcaha ah kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda adag ee ka taagan dalka Itoobiya.

Talaabadan waxaa taageeray saddex meelood meel ka mid ah 47-da dal ee xubnaha ka ah madashan, iyo kormeerayaal uu ku jiro Mareykanka.

Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay qorshahan, ayna ka xuntahay tallaabada ay hay’adda xuququul insaanka ee Qaramada Midoobey ku dooneyso inay ku qabato kulanka.

“Waxa laga doonayay in golahan uu diiradda saaro ayaa ah in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo tacaddiyada TPLF ay ka geysatay gobollada Canfarta iyo Amxaarada” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Itoobiya.

Qaraar qabyo ah oo uu soo bandhigay Midowga Yurub ayaa cambaareeyay xadgudubyada ay geysteen dhammaan dhinacyada isku haya gobolka Tigray ee Itoobiya, taasoo madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ay sheegtay bishii hore in ay noqon karto dembiyo dagaal.

Haddii la meel mariyo qaraarka Midowga Yurub waxay Itoobiya u samayn doonaan guddi caalami ah oo khubaro ah oo dhinaca xuquuqul insaanka ah, si ay baaritaan dheeraad ah u sameeyaan, ayna warbixin kasoo celiyaan sannad ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -