Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Rooble oo Salaan Sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Garbahaareey ayaa xalay booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Rooble ayaa uga mahadceliyay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada, waxa uuna ku boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka ee nabadeynta.

Ugaaska ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya booqashada uu ku yimid magaalada Garbahaarey, waxa uuna ku amaanay Rooble dadaalada nabadeed uu wado iyo sida uu uga shaqeenayo in dalka ka dhacdo doorasho raali laga yahay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Garbahaarey ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan maamulka gobolka Gedo iyo bulshada ku dhaqan Garbahaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fursado dahabi ah oo mar kale horyaalla walaalaha Soomaali Galbeed !!

Cabdi Cade

Galmudug oo si adag uga hadashay Dilka Hogaamiyihii Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo lagu bogaadiyay baarista iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---