Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddiga doorashada heer federaal oo hal arrin ka balan-qaaday Musharaxiinta

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay guddiga doorasada heer federaal iyo xubno metelayey Midowga musharaxiinta Madaxweynaha oo socda ee Somalia.

Kulanka labada dhinac ayaa la xiriiray isbarasho, sidii loo abuuri lahaa jawi kalsooni leh iyo ka wada shaqeynta doorasho cadaalad ah oo dalka ka kadhacda.

Xubnaha Musharaxiinta ku metelayey kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa Xassan Cali Khayre, Xassan Shiikh Maamuud iyo xubno kale.

“Waxannu caawa la kulannay Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha JFS, si ay noo siiyaan kalsoonida buuxda ee wada shaqeynta Guddida Doorashooyinka Heer Federal iyo Murashixiinta,  Waxa ay noo ballan qaadeen in ay si aan hagrasho lahayn noola shaqeyn doonaan isla markaana noo garab taagnaan doonaan muddada xilka” ayuu yiri Danjire Axmed Safiina oo ka mid ah guddiga doorashooyinka heer federaal.

“Dhankayaga waxa aannu balan qaadnay in Guddiga Doorashada Heer Federaal ku shaqeyn doono hannaan ku dhisan Caddaalad, nidaam ku qotoma ban-yaalnimo oo ay weheliso hufnaan shaqo, iyo isxilqaan joogta ah” ayuu hadalkiisa ku soo xiray danjiraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Taliyaal Ciidan u magacaabay Saraakiil uu dalacsiiyay

Cabdi Cade

Muxuu ahaa ninka Ciidanka NISA ku soo qabteen howlgal ka dhacay Muqdisho?

Caydiid Ali

Xaakin oggolaaday in Maraykanku afar dal ka keeno 30,000 oo muhaajiriin ah bishii

Cabdi Cade
Taboola Ads ---