Natiijada doorashooyinkii ka dhacay Itoobiya oo la shaaciyey iyo Xisbiga talada haya oo..

Guddiga doorashooyinka Qaranka ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyey natiijada doorashada dalkaas ka dhacday 21-ka bishii June ee sanadkan ee loogu tartamaayey kuraasta baarlamanka.

Guddiga ayaa sheegay in xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP uu ku guuleystay 410 ka mid ah  436 kursi ee kuraasta baarlamaanka.

Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo xaalado kale.

Degaanka Tigray oo ay dagaalada ka socdaan wuxuu ka mid yahay degaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaanka Soomaalida doorashada dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.

Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.

Labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ayaa doorashadaasi qaadacay, iyadoo Doorashda guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday uu hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday degaanka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -