Talo iyo Tusaaleyn siyaasadeed oo ku socota qaarka ka mid musharaxiinta Madaxweyne

Dadka ku nool koonfurta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada beeraleyda ah ayaa isticmaala weedhaan ”La Beerto la Beegto ayaa ka Roon!”, caqabado ka dhax jirta beeraleyda iyo ganacsatada ka shaqeysata dalaga beeraha ayaa kaliftay in ay hirgasho weedhaan aan qormadan ugu magac daray.

Beeraleyda Soomaaliyeed marka ay suuqa keenaan wax-soo saarkooda waxa looga iibsadaa qiimo aad u jaban, halka ay ganacsatadu ka sameeyaan faa’ido ka badan midda ay beeralaydu ka hesho. Sidaas ayey weedhani usoo shaac bixisay in aad wax beerato oo qarash iyo juhdi badan aad galiso tabcashada waxaa kaaga haboon kana macaash badan inaad ka iibsato beeraleyda kadibna aad suuq geyso iyada oo aan juhdi badan kaa galin tacabka beeraha.

Haddaba sida caadada ah, afartii sanaba ayaa nidaamka dalku yahay in la sameeyo doorasho kala ah golaha shacabka, aqalka sare iyo madaxweynaha dalka. Had iyo jeer doorashada ayaa u dhacda hab dadban oo dad kooban oo la soo xulay ay doortaan xildhibaannada, kaddibna ay iyagu sii doortaan madaxweynaha.

Xilligaan oo kale waxaa jira musharixiin daneenaya inay ka qayb qaataan tartanka xildhibaannimo balse aan heysan waxyaabaha aasaasiga u ah tartanka doorashada, sida qarashka diiwaangalinta musharaxa, qarashka ololaha iyo cod raadinta iyo waxii la mid ah, si ay ugu suurtagasho helitaanka qarashaadka waxay taageero waydiistaan musharixiinta u tartameesa madaxweyne-nimada dalka ee ugu dhaqaalaha roon, waxayna u ballanqaadaan in ay taageeri doonaan una codeyn doonaan haddii ay kusoo saaraan xildhibaannimada, musharaxaas taagerayna uu yeelan doono xildhibaanka uu soo saaray codkiisa.

Qormadaan waxan ugu talagalay dhammaan musharixiinta madaxweyne-nimo ee jilba culusta ah kuwaasoo laga yaabo inay ku kadsoomaan tilaabadaan aan soo sheegay taasoo hore ugu fashilmeen musharixiin u tartamayey madaxwaynaha dalka soomaaliya sanadkii 2016/2017, kaddib markii ay u codeyn waayeen xildhibaano ay ka caawiyeen dhaqaalihii tartanka kaga baxay doorashada ay soo galeen, islamarkaana uu taageero muuqda iyo mid dadban-ba uu siiyey si ay u noqdaan xildhibaanno.

Sida muuqata wali musharixiin madaxwayne ayaan waxba ka baran dhacdooyinkii hore ee soo dhisada xildhibaano u codeeya maalinka doorashada, tusaale iyo xasuus hore ayey ahayd markii uu masharax madaxwayne 2016 soo saaray in kabadan 180 xildhibaan haddana aanu helin codad gaaraya 100 maalinkii doorashada, midaas ayaa ugu filan waano qaadasho iyo taxadar ay sameeyaan musharixiinta madaxwayne-nimo ee doorashada sannadkan 2021.

Waxaa hubaal ah xildhibaan walba codkiisa inuu siin doono musharixii ugu dhaqaalo bixin bata haddana leh aragti siyaasadeed oo gadmeysa isla maraakana dabeysha ololahana aan ka dhanka ahayn, sidoo kale waxaa hubaal ah inuusan codka siin doonin qofkii soo saaray ee xildhibaanka ka dhigay, wuxu intaas ka dambeeya wuxuu bilaabayaa inuu galo heshiisyo iyo gorgortan  uu ku qaadanayo lacago kala gadisan uu ka qaadanayo musharax walba, kaddibna codkiisa wuxuu siin doonaa musharuxii ugu dhaqaalo bato asagoo ilaawaya taageeradii la siiyay xiligii uu ahaa musharax xildhibaan doon ah.

Sidaa awgeed waxaan usoo jeedin lahaa dhamman musharixiinta madaxwayne-nimo ee dalka in aysan galinin juhdi tabcid iyo beerid xildhibaan balse ay beegtaan ama gurtaan kuwa kusoo baxa oo aan ula jeedo in aysan ku mashquulin qarashna ku bixin soo saarista xildhibaan oo aan la hubin inuu siin doono codkiisa, taas badalkeeda waxaan ku dhiiragalin lahaa inay la macaamilaan kuwa usoo baxa xildhibaanimada.

Halkaan hoose waxaan kusoo koobayaa ahmiyada ay leedahay inaad la macaamiisho kuwa soo guuleystay iyo khataraha ay leedahay inaad adigu soo saarato xildhibaan kuu codeeya waxaana ka mid ah:

  1. Musharaxa xildhibaan ee aan heysan qarashaadka doorasho sidoo kale kaa doonaayo taageero togan iyo mid toos ahba marka uusoo baxo ma yeelan doono aragti iyo dano kale oo aan aheyn inuu raadsho dhaqaale. Taasi waxay keeni kartaa inaad codkiisa wayso maalinka codeynta.
  2. Hadaad taageerto qarashna ka bixiso dhawr tartamayaal xildhibaan waxaa hubaal ah qayb ka mid ah kuwa aad taageertay in laga guuleysan doono, arrinkaas waxay kugu yeelan doontaa sameeyn culus dhanka ol-olahaaga. Maalinka codeynta hoolka waxaa ka soo buuxsami doono xildhibaano aad kula soo colowday xiligii doorashadooda xildhibaanimada waxayna dhan ka noqonayaa ol-olahaaga doorasho.
  3. Xildhibaanka kaligiisa isa soo saara ma qabo baahi dhaqaale uu hadhaw kaaga leexdo maalinka codeynta, waxuu leeyahay qab, aragti iyo maslaxo siyaasadeed oo aad iska af-garan kartaan si uu kugu taageero doorashada, sidoo kale waxaa suura gal ah inuu kugu bixiyo dhaqaale si aad u guuleesato asna aragtidiisa ugu hirgasho.
  4. Xildhibaanka kusoo baxa garab iyo taageero qof kale uu kasoo qaatay gaar ahaan musharax kale inta badan waa qof ku fashilan nooolasha inteeda kale walibana aan laheen aqoon iyo aragti siyaasadeed, u fiirso musharixiinta xildhibaanimo ee la jooga musharixiinta kale ee madaxweyne-nimo qabka iyo qadarinta ay kula joogaan taasoo cadeyn ku filan ah inaysan ku habooneen in dhaqaalo lagu baxsho tartankooda.
  5. Ugu dambeyntii waxa qalad ka galeesaa beelaha Soomaaliyeed maadaama aad xoog iyo qarash ku bixineeso musharax aan u qalmin hogaaminta beesha leh kursigaas taasoo kugu noqon doonta caqabad iyo xariir xumo kaala dhaxeesa beesha aad qof ku habooneen usoo saarto hadayba aragtidaas kuu suuragasho.

FG: waxaan halkaan ku cadeynayaa inaan qof iyo kooxba uusan quseen qormadeeda balase aan ugu talagalay inaan baxsho tusaaleyn, talo iyo sixid hab nimaamka dowladeeda ee dalkeena.

Qorre: Dr. Mohamed Hussein Alasow

Email: m.alasow10@gmail.com

Skype: dr.moh.hussein

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -