Muxuu Rooble ku soo arkay xeryaha ciidamada Xoogga dalka ee Garbahaarey? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku tagay maanta magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa booqday xeryaha ciidamada DF ku leeyihiin degmadaas.

Kormeerkan oo la sheegay in Rooble uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka Ciidanka Xoogga  ee ku sugan garbahaaray ayaa ku boggaadiyey ciidanka difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan Al-Shabaab.

Eng. Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta degmada Garbahaarey, kaasoo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu ku tegay Garbahaarey ayaa la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka.

Wafdiga Rooble oo booqan doona magaalooyin kale boo ka tirsan dalka ayaa caawa ku hoyan Garbahaarey, iyagoo kulamo looga hadlayo arrimaha doorashada iyo dib u heshiisiinta la qaadan doona siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -