Madaxweyne caan ah oo Isbitaalka ku booqday bukaano la ildaran Coronavirus (Sawirro)

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa qaaday talaabo geesimo leh ka dib markii uu booqday bukaano ildaran cudurka Coronavirus oo ku jira isbitaal ku yaalla dalkaas.

Putin ayaa ka hor inta uusan booqan isbitaalka waxaa loo xiray lebiska iyo qalabka loogu talo galay in looga gaashaanto viruska Corona, kaasoo loogu talo galay iney xirtaan dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha baxnaaninaya bukaanada uu soo ritay cudurkan.

Dalka Ruushka oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 145 milyan oo qof ayaa laga helay kiisas la xiriira cudurkan oo gaaraya 495 qof, waxaana u dhintay hal qof illaa hadda, iyadoo dowladu qaaday talaabooyin ka hortag ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in xaalada cudurkan ee dalkiisa ay tahay mid wanaagsan marka loo eego qaarada Yurub oo cudurkan uu si weyn ugu faafay, wuxuuna xusay in dowladiisu ay ku guuleysatay iney xakameyso cudurkan.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyey dunida ee isbitaalka ku booqda shacabka dalkiisa ee la ildaran cudurka Coronavirus oo ah mid halis ah oo dunida si weyn ugu faafay, dad badana galaaftay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -