Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee ciidamada Puntland & xubno kale oo xilakii laga qaaday

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabis iyo Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus EeĀ  Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuuĀ xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aada Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Najla Al-Manquush oo si qarsoodi ah ku baxsatay iyo xog laga helay dalka ay gaartay

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo qaaday talaabo lagu dhiirigelinayo ciidamada xasilinta caasimada (Sawirro)

Caydiid Ali

Britain oo shaacisay iney wadahadal u fureyso dowladaha Somalia & Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---