Midowga Yurub oo wada qorshe dib loogu celinayo qaxootiga codsigooda la diiday

Midowga Yurub ayaa wada Qorshe dib loogu celinayo Qaxootiga aanan heysan Sharciga ee ku sugan wadamada Yurub.

Qorshayaasha ururka ayaa qeyb ka ah dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo socdaalka. waxaana ka mid ah habab sharci oo ka fudud oo lagu masaafurinayo muhaajiriinta loo diiday adeegsiga xayiraadaha fiisaha si looga dhaadhiciyo dalalka inay dib u celiyaan.

Midowga Yurub wuxuu soo bandhigay Istaraatiijiyad cusub si looga dhaadhiciyo dalalka hooyo ee ka cagajiidaya inay dib ula soo noqdaan  magangalyo-doonka  uu ururku diiday.

Istaraatiijiyaddu waxay qayb ka tahay xirmo ballaaran oo dib-u-habeyn lagu sameynayo oo ku saabsan socdaalka, oo ay ku jiraan la-talinta muhaajiriinta yimid oggolaansho la’aan.

Midowga Yurub wuxuu kaloo doonayaa inuu ka caawiyo muhaajiriinta inay dib ula midoobaan qoysaskoodsa marki ay ku noqdaan dalkooda.

Waxyaabaha kale ee qorshayaasha ku jira waxaa ka mid ah hanaan fudud oo sharci iyo hawl socodsiin ah oo lagu masaafurinayo, iyo adeegsiga kaalmada horumarinta ama  xaddidaadda fiisaha  si looga dhaadhiciyo dalalka in dib loo celiyo.

Dhulalka muhaajiriinta laga yaabo inay ka gudbeen qayb ka mid ah safarkooda ay ku tagayaan Yurub ayaa qeyb ka ah Qorshayaasha Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -