Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo gudoomiyay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha amniga heer Dowlad Goboleed oo bishiiba mar lagu qabto magaalada Kismaayo.
Shirkan ayaa intii uu socday diirada lagu saarayay xaaladahii u danbeeyay ee dhinaca amniga gaar ahaan sugida amniga Doorashooyinka iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kala hadlay saraakiiisha ciidamada Jubbaland, kuwa AMISOM iyo ciidamada kale ee ku sugan Kismaayo adkeynta amaanka iyo sidoo kale xoojinta wada shaqeynta.
Maamulka Jubbaland ayaa ka shaqeenaya adkeenta amaanka magaalada Kismaayo oo lagu wado in dhawaan ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo aqalka hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Shirkad Diyaaradeed oo Madaxdeeda ku amartay in Boorsooyinka Rakaabka qaadaan !

Cabdi Cade

Imran Khan oo xukun adag oo xabsi ah lagu riday kaddib dambiyo lagu helay

Cabdi Cade

Jawaari oo Iscasilaadiisii kadib maanta kasoo dhax muuqday Fadhiga Baarlamaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---