Madaxweynaha Puntland & wafdigii uu horkacayo oo u ambabaxay Nairobi

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu horkacayo oo malamahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa galabta safar ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Lama shaacin ujeedada safarka Madaxweyne ugu ambabaxay Nairobi, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu kulamo la qaadan doono xubno ka tirsan wakiilada deeq bixiyeyaasha caalamka oo fadhigoodu yahay halkaas.

Wararka kale ayaa sheegaya in Saciid uu kulamo wada tashi ah ka bilaabi doono Nairobi xili isa soo tarayaan wararka sheegaya inuu qorsheynayo ka qeyb galka tartanka loogu jiro doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ee dhaceysa dabayaaqada sanadkan.

Dhinaca kale, socdaalka Deni ku tagayo Nairobi ayaa ku soo beegmaya xili shalay Warbaahinta dalkaas qaarkood ay qoreen in Madaxweyne Deni u dhismaha hotel weyn ka iibsaday magaalada Nairobi, kaasoo qiimo ahaan ku kacay malaayiin dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -