Maxaa looga hadlay qoraalka Musharaxiintu u direen ururo & dalal taageera Somalia?

Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay ku sheegeen xaaladda is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiirada arrimaha dibade dhowr dal.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay, in xubnaha ay u direen ay doonayaan inay gacan ka gaystaan, in si deg deg ah loo fuliyo hanaan doorasho oo xaqiijinaya doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweyne.

“Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileeka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ayaaba ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaajo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, isla markaana saamileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxa ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladiisa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Waxa kale oo ay sheegeen in xoriyadda hadalka caburin lagu hayo islamarkaana uu Farmaajo diiday dibad-bax nabdoon oo lagu damaanad qaaday dastuurka dalka, ayada oo loo adeegsanayo ciidamada militariga.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ururada iyo dalalka qoraalka loo diray ku wargeliyey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaaliya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loona adeegsanayo falal caburin ah.

Ciidamada ay xuseen waxaa ka mid ah Gorgor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababareen iyo Waran oo ay tababareen Mareykanka.

Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -